Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

www.hilabacaad.8k.com

HOME WARARKA DIINTA ILAQOSOL CONTACT

ILA QOSOL

ILA QOSOL

Nin ka beec mushtara qalabka katiifadaha lagu xaaqo(Vacuumka clearnrs) ayaa guri aad u qurux badan oo uusan aqoon albaabka ku garaacey si uu uga iibiyo (Vacuumka).-----Markay naagtii guriga laheyd ka furtey albaabkii ayuu wuxuu ku yiri---Marwoy waxaan rabaa in aan ku tuso qalab aad u wanaagsan oo aadan waligaa arag isgoo kale--intayan iyadii u jawaabin ayuu bac ay ciidi ku jirto intuu jeebka kala soo baxey ku dul daadiyey kadiifadii qolka fadhiga u taalay oo wuxuu ku yiri hadii uusan qalabkani (Vacuumku) usan si qurux badan ciida aan halkaan ku daadiyey uga xaaqin-- balanbaa waxaan kugu qaadayaa inaan afkeyga ku guro ooaan cuno ciidan-- intuusan hadalkii dhamayn ayay marwadii guriga laheyd inta oroday oo jikada gashey ayey soo bixisay qaado oo intay u dhiibtey tiri hadaba maxaad sugeysaa maad cuntid ciida maxaa yeelay gurigaygu korontaba malahan





                          WAA HUBAAL IN AAD QOSLEEYSId EE BAL AQRI

         labo wiil oo yar yar oo walaalo ah ayaa mid kamid ah waxaa uu arkay hooyadiis iyo aabihiis oo saq dhexe isku tagayo. markaas ayuu la yaabay oo subaxii markuu waagu baryay waxaa uu ku yiri cunugii kale ee aay walaalaha ahaayeen hooyo iyo aabo xalay waxay sameeynayeen wax aan la yaabay markaas ayuu ku yiri hadaad beenteey u maleeysid caawo saqda dhexe markii aay sameeynayaan ayaan ku kicinayaa waayahay ayuu yiri. fadlan caawo i kici markii aay sameeynayaan. waayahay ayuu yiri oo sidaas ayeey ku balamween. habeenkii markii la seexday ayeey saqdii dhexe habartii iyo odaygii bilaabeen cayaartoodii. kadib ayuu cunugii intuu qajafta iska dhoowray isku dayay in uu gacanta ku kiiciyo kii kale. markaasuu cunugii kale yiri intuu kor u hadlay war indhaha faraha ha iga galinin waan u jheedaahe markaas ayeey habartii iyo odaygii naxdin la argagaxeen.

ILA QOSOL

Sheekooyin Gaagaaban Oo Qosol Badan

 SHEEKO 1: Nin ayaa naagtiisa ka dhoofay markaas ayuu u soo qoraa waraaq uu ku leeyahay waxaan kuu soo diray 100 dhunKasho ama shumis wax lacag ahna uma soo diro maalintii danbe ayay waraaq u qortay waxay ku tiri kuwii korontada guriga ayaa ii yimid oo Lacagta korontada raba lacagna ma haynin waxaan siiyay 20 shumis kii biyahana waxaan siiyay 20 skii kirada gurigana waxaan siiyay 20 shumis kii dukaanka biilka aan ka qaadanaynayna waxaan siiyay 40 shumis marka sidaas ula soco biqolkii shumis ee aad ii soo dirtay sidaas ayaan ku kala baxshay ilaa wax lacag ah oo aad ii soo dirtay ma lahane koleey adiga ayeey kuu taalaa hadii aad bisha danbe aad shumis aad soo direyso iyo hadii aad lacag soo direeyso Kkkkkkkk  

SHEEKO 2: Faarax reer miyi ah  ayaa Qurbaha yimid. Habeen ayaa isagoo marqaansan ayuu gurigiisa xilli dambe yimi. Wuxuu damcay musqusha, Markaasu furay albaab, wuuna galay. Markuu albaabki xidhay ayuu laydhkii ka damey. Wuu Furay markale.
Asagoo Mucjisadan la yaaban ayuu soo baxay oo iska seexday. Subaxii Markuu waaga baryay ayuu xaaskiisii ku yidhi: Gacaliso, waa maxay albaabka haleysan ee marka la xidho laydhka damayo, marka la furana daarmayo?
Waxay tidhi: War nacas yahoow ma adigaa waxa tallaagada micnaha firinjeerka ku kaadiyay? kkkk

SHEEKO 3: Nin reer –aa— ah ayaa gabar aad u jeclaay , waxna uma sheegto , wuxuu sidaa ku jiraba maalintii danbe ayay soo hor martay, markaasuu damcay in uu u il jebiyo, ka dib labadii indhood buu isku qabtay, gabadhii baa ku tiri maxaad isugu qabanaysaa 2 da indhood, markaasa kulahaa way iska kay raaceen nacalada oo adigaba waad fahmi kartaa ee ka waran ina Adeer kkkkkkkkkkkk.

SHEEKO 4: Nin ayaa Subax Kasta  Marku Coffe Cabaayo Isha Xanuunta Maalintii Dambe ayuu Dhaqtar U tagay Waxuunuu ku yidhi mar kasta oo aan Coffee Cabaayo Isha ayaa i Xanuunta Waxaa Loogu jawaabay  Saaxiiboow Marka aad Coffeega aad Sokorta Ku Walaaqatid Qaadada ama macalgada Iska Bixi macalgadaa isha kaa gashee. kkkkkkkk

ILA QOSOL

nin kaa weeyn waa ku dhaqi karaa si kastaba
KAALAY IGULA QOSOL QISADAAN GAABAN NIN ODAY 70 JIR AH AYAA TALO WANAAGSAN IGULA TALIYAY WAXUU IGU YIRI LABAATAN JIR AYAA TAHAYE MARKAAD 80, JIR AAD GAARTO SIR AYAAN KUU SHEEGAYAA EE DHAGEEYSO ANIGU TODOBAATAN JIR AYAAN AHAY WAXAAN GUURSADAY GABAR 18 JIR AH HABEENKII KOOWAAD MARKII AAN LA AQAL GALAY OO AAN HOOWSHII HALMAR GUDANAY AYEEY I TIRI MIYAANAN MAR LABAAD SAMEEYNEEYN, TALO AYAA IGU CADAATAY ILAA 70 JIR AYAAN AHAYE OO TACBAAN AH. MASKAXDA AYAAN KA SHAQEEYSIIYAY MARKAAS AYAAN IRI MARLABAAD MIYAAD RABTAA IN AAN SAMEEYNO. HAA AYEEY IGU TIRI MARKAAS AYAAN SOO KAXEEYAY OO MUSQUSHA KEENAY WAXAA IRI HORTA BAL KAADI MARKAAS AYEEY KAADISAY OO AAY ISKA DHAQDAY KAADIDII. MARKEEY ISTAAGTAY AYAAN IRI XAGEED U ISTAAGEEYSAA OO AAD U SOCOTAA MAR LABAAD KAADI, MARKAAS AYEEY TIRI HADA AYAANBA KAADSHAYE SIDEEN MARLABAAD U KAADIYAA HADANE, MARKAAS AYAAN KU IRI OO ADIGA HADA AYAAN KUU TAGAYE SIDEEN MARLABAAD KUUGU TAGAA HADANE. KAADIDA LABAAD MARKEEY KU QABATO AYAA KACSIGA LABAADNA ANIGANA I QABANAYAA, WAAYAHAY AYEEY IGU TIRI HESHIISKAAS AYAANA KALA SAXIIXANAY.. MARKA SIRTAAS ISTICMAAL MARKA AAD DUQOOWDO . AAD AYAAN U QOSLAY MARKA HADA DHALINYARADA ANIGANA HA IGA SII FAAIDEEYSTAANO OO MARKEEY DUQOOBAAN OO AAY GABAR YAR GUURSADAAN HA KU DAGAALAMAANO HUBKAAN. WAXAY QISADAAN DHEXMARTAY, TIMAJILIC IYO ODAY JAAMAC XANDULE, WAAN IDIIN SOO GUDBIN DOONAA QISOOYIN KALE OO AAD NAGULA QOSOSHAAN HADUU ALE IDMO,,,,,,LA SOCO MAALMAHA DANBE

ILA QOSOL

Hada ka hor ayaa waxaa gabar kala doontay odayaal reer waqooyi iyo kuwo reer koonfur ah, salaan iyo bun jabis kadib in la is barto ayaa la isku raacay. Oday ka mid ah odayaashi waqooyi ayaa yiri Waaryaara hee, dee culimadi baan idin barayaaye dhageesta. Dee midkakani waa qowdhan oo kaasi waa Dhidir oo midkani waa Madar Afbalaadh iyo ina cantuugaweyne iyo ina sakaaro laaye. odayaashi reer koonfur mid kamid ah oo yaaban ayaa soo booday asaga oo hoos iska leh yaa yah, ya waa ku magacyo quruxdaas, Eeboow muga ana hee aqyaartiyaan kubaraahe dhagaha iisoo raarici. Igaarkaan meeha fadha moow jeedaa oday muluqoow aa ladhahaa ku ye, midkaan hareedka leh culusoow ahaa, halkaas gadaal qoomaara xamuud tuuryare dheh kuye, igaarkaan kale dhurwaay aa ladhahaa. Xariifkii koonfureed oo hadalka dhameen aa reer waqooyi soo booday! Naw waar yaahe waar waa maxay bahaladan aad tirineysaa, waar malaha wuxu waa qori ismaris. Ow koonfuraa soo booday Kah' barji hele areey wuxuu ku hadlaayo daymoo aryaa xaa ka rabtaa bahaladeyda ? anba qowdhan aan kuu dhaafee waxaanse u su'aalay Qowdhan ma dadaa ?

ILA QOSOL

Nin reer magacleh ka dhashey ayaa wuxuu guursadey gabar loo hanweynnaa oo reer sharafleh ka dhalatey. Waxey ku curatey wiil; kadibna wax dambe dhali weydey. Inankoodii waa shan jir,odeygiina wareer baa ku dhacey oo naag kale inuu guursadana ma rabo. Waxaa loo sheegey nin faaliye ah o indho la' inuu usoo faaliyo. Indhoolkii wuxuu kusoo waaniyey inuu Dameer ugub ah u tago, ka dibna naagta ku xijiyo. Ninkii taladii buu qaatey, oo isgoo Dameerkii ku haya ayaa wiilkiisii oo ariga ka yimi arkey. Yarkii yaab baa ku dhacey oointuu cararey buu is yiri hooyo usoo sheeg. Markuu aqal soomaaligii kusoo dhowaa ayuu shanqar ka dhex maqley, hadduu eegayna waaba hooyadii oo ninkale u raaxeyneysa. Kii yaraa waa kan madaxu weynaadey oo meel dhexe iska fariistey. Waqti dambaa aabbihii oo kasoo bogtey Dameertii yiri gurigii yimid, islaantii waxey tiri ina adeerkey oo marti ah baa inoo jooga. Markaasuu odeygii inankii ku yiri " aabbow abti wan loo qalo soo qabo". Hilibkii baa la diyaariyey oo ninkii oo ardaaga fadhiya la yiri inankii hoo oo abtigaa ugee hilibkaan. Yarkii markuu hilibkii ugeeyey buu ku yiri ninkii hooyo waxey ku tiri hilibka cunoo carar. Yarkii gurii buu ku noqdey oo aabihii ku yiri "aabbo abti mindi iila soo orod buu ku yiri". Odeygii waakan bilaawihii ulasoo ordey ninkii, ninkiyow waa kan oodda ka boodey illaa waanin loo digeyee. Islaantii waa yaabtey markey aragtey odeygii oo ninkii bilaawwe la daba ordaya. Inankii baa ku yiri aabbe wuu idin arkayey waxaad adiga iyo abti sameyneyseen oo inuu abti iyo adigaba idin diluu rabaa. Islaantii waa tan cararytey iyadoo boraneysa, Odeygii oo soo laabtey baa inankii weydiiyey waxa hooyadii helay. Inankii waxuu yiri hooy waxey tiri nin Dameer u tagey nin ii noqon mah. Odeygii waa kan islaantii kadaba ordey isagoo leh sheekh indhoolaa igu khasbee caadi ahaan Dameeraha uma tago. So, the little boy enjoyed his meal peacefully

ILA QOSOL

HOOYO FAADUMO ayaa aragtay wiilkeeda oo warqad wax ku qoraya--markaasay weydiisay oo ay tiri--Cabdiyow maxaad samaynaysaa--wuxuu ku yiri saxiibkey ayaan warqad u qorayaa--hooyadiibaa inta layaabay tiri maadigaa wax qori yaqaan waqtigii iskoolkaba maadigaa gaaray Cabdi ayaa ku jawaabay hooyo saaxiibkeyba wax ma akhrin yaqaan..!!!!